Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wax ka qabaneyso isbaarooyinka sharci darrada ah ee rag hubeysan oo ku lebbisan dareyska ciidanka dowladda ay lacag baad ah uga qaataan gaadiidleyda isaga kala goosha gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya General Cabdirsaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay inay ciidamo gaar ah u [...]
↧