Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ka codsaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM inay si dhaqsi ah u farogeliyaan dagaal-beeleedka ka socda gobolka. Siidii ayaa sheegay in dagaalka uu wax u dhimay xasilloonida gobolka, isagoo xusay inuu fursad u noqon karo maleeshiyada al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka. [...]
↧